Siihayaha xilka taliska qaybta booliska gobolka Bari ahna taliye ku-xigeenka 2aad ee ciidanka booliska Puntland Sareeyo…

Siihayaha xilka taliska qaybta booliska gobolka Bari ahna taliye ku-xigeenka 2aad ee ciidanka booliska Puntland Sareeyo Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgalay goob lagu gubayay khamri iyo Xashiish ay Maxkamada Darajada Kobaad ee Gobalka Bari,xukuno ugu riday kuwaas oo howlgalo ay ku soo qabteen Ciidanka Booliska Gobalka Bari.
S/Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa u mahadceliyay laamaha amaanka gobalka Bari oo gutay waajibkii ka saarnaa shaqada ay u hayaan Bulshada.
“Waxaan u mahadcelinaynayaa lamaha amniga gobalka Bari oo Gutay waajibkiii ka saarnaa shaqada ay bulshada uhayaan, maxkamaddu waxay qirtay in wixii loo dhiibay ay sidoodii u keeneen”, Taliye ku-xigeenka booliska Puntland.



