Laamaha ammaanka gobolka Nugaal oo awaamiir cusub soo saaray.

Taliska qaybta booliska gobolka Nugaal ayaa soo saaray amar lagu xoojinayo badqabka shacabka iyo amniga safarrada,…

21 June, 2026

Taliska qaybta booliska gobolka Nugaal ayaa soo saaray amar lagu xoojinayo badqabka shacabka iyo amniga safarrada, kaas oo lagu mamnuucayo in dhalinyarada safarrada ciyaaraha lagu qaado sariiraha kore ee basaska.

Amarka ayaa lagu faray dhammaan baraha kantaroolada gobolka inay si adag u joojiyaan basaska sariiraha kore ku qaada dhalinyarada ka imaanaya ama u socda gobollada kale ee Puntland, gaar ahaan kuwa la xiriira safarrada ciyaaraha.

Taliska ayaa amray in tallaabo sharci ah laga qaado darawal kasta oo lagu qabto isagoo dhalinyaro ku qaadaya sariirta kore ee baska, iyadoo la sheegay in arrintani ay halis weyn ku tahay badqabka rakaabka isla markaana ay sababi karto shilal iyo dhaawacyo.

Taliska ayaa ku adkeeyay ciidamada iyo masuuliyiinta baraha kantaroolada inay si buuxda u fuliyaan amarkan, isla markaana tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaado basaska iyo darawallada lagu helo inay ku xadgudbaan go’aankan.