Guddiga nabadgelyada gobolka Nugaal ayaa amar ku bixiyey meelmarinta qodobadii ka soo baxay shirkii todobaadka si…

Guddiga nabadgelyada gobolka Nugaal ayaa amar ku bixiyey meelmarinta qodobadii ka soo baxay shirkii todobaadka si loo xaqiijiyo ammaanka magaalada Garoowe, iyadoo ciidanka lagu amray inay qabqabtaan hubka iyo cidkasta oo si sharci darro ah ugu qaadata magaalada Garoowe.
Taliye ku-xigeenka qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile oo faahfaahin ka bixiyey hawlgallada socda ayaa shacabka iyo madaxda dowladda ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabadgelyada magaalada Garoowe.
“Qoryahakan magaalada Iska walhanaya, wixii khamri cabbaya iyo wixii si xun u fekeraya in dhammaan la qabqabto waa shaqadii awal aan lahay, guddiga nabadgelyada gobolka ayaana shiray si amniga magaalada loo adkeeyo”, Taliye Fardafuul.
“Haddii shaqo la qabanayo waxyaalaa iska dhacdhacaya oo meel aysan shaqo ka socon ayaan waxba ka dhicin, sidaas daraadeed waxaan ugu baaqayaa shacab weynaha gobolka Nugaal hawlgalku waa joogto, waa inaad ciidanka si habsami ah ula shaqaysaan”, Ayuu yiri markale taliyuhu.
Ugu dambayntiina taliye ku-xigeenka qaybta booliska gobolka Nugaal ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta dowladda iyo taliyaasha rugaha inay ilaaliyaan ciidankooda aysanna u ogolaan inaysan hubka ula soo bixin magaalada xilliyada aysan kujirin shaqooyinka laysla ogyahay, isagoo intaas ku daray inay qabanayaan sharcigana marin doonaan ciddii ka dhega adaygta awaamiirta.