Laamaha ammaanka gobolka Nugaal ayaa si adag uga hadlay sugidda ammaanka inta lagu jiro bisha Ramadaan…

Laamaha ammaanka gobolka Nugaal ayaa si adag uga hadlay sugidda ammaanka inta lagu jiro bisha Ramadaan iyo ka hortagga dadka cuntada xaaraanta ah kariya maalintii.
Taliye ku-xigeenka qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inaysan aqbali doonin goobo lagu kariyo cuntada maalinkii inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan.
“Ciddii xaaraan karisa oo Alle iyo umadda Islaamka ah ka xishoon wayda waa qabanaynaa warbaahinta waa horkeenaynaa inta bisha ka dhimmaana waa xirnaan doonaan”, Ayuu yiri Taliye ku-xigeenka qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile.



