Laamaha ammaanka gobolka Bari oo hawlgallo ka sameeyey Magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaad lagu…

Laamaha ammaanka gobolka Bari oo hawlgallo ka sameeyey Magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay katirsan yihiin malayshiyaadka Daacish ee lagu jebiyey dgaaalka Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Saraakiil katirsan laamaha ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyey in shaqsiyaadka la qabtay oo isu ekaysiinayey dad reer guuraa ah ay isku dayayeen in ay si dhuumasho ah ku soo galaan Boosaaso, kahor inta aysan ciidanka ammaanku gacanta ku dhigin.
Shakhsiyaadka lagu tuhunsan yahay mileeshiyaadka Daacish ee ciidamadu qabteen ayaa loo gudbiyey saldhigyada Magaalada Boosaaso oo ay su’aalo ku waydiinayaan saraakiisha dambi baarista ee Puntland.
Kooxda Daacish oo lagu jebiyey godadkii ugu dambeeyey ee ay kaga dhuumaalaysanayeen Miiraale iyo Baalade ayaa bilaabay inay farxad ahaan ugu cararaan qaybo kamid ah gobolka Bari.