Laamaha ammaanka Puntland oo Garoowe ku qabtay gaadiid Khamri wada.

Ciidanka Booliska ee Gobolka Nugaal ayaa maanta fuliyey howlgal qorsheysan oo lagu guuleystay in lagu soo…

25 April, 2026

Ciidanka Booliska ee Gobolka Nugaal ayaa maanta fuliyey howlgal qorsheysan oo lagu guuleystay in lagu soo qabto xaddi badan oo maandooriye ah, kaas oo la doonayay in si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyo magaalada.

Hawlgalkaan ayaa saraakiisha ciidanka ammaanka gobolka Nugaal ku shaaciyeen inay ku soo qabteen 15 kartoon oo laga soo buuxiyey maandooriyaha Khamriga iyo gaadiidkii wadey, sida lagu sheegay qoraalka booliska.

Waxaa goobta lagu soo bandhigayay maandooriyahan ku sugnaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/ Fuaad Mahamuud Hussen iyo Taliye ku-xigeenka Qaybta, G/Dhexe Ayax Jamaal oo ciidanka ku ammaanay shaqada ay qabteen.

Taliska qaybta booliska gobolka Nugaal oo dhawaan xilka la wareegey ayaa ku goodiyey inay tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka ka ganacsada noocyada kala duwan ee maandooriyaha iyo kuwa ku hawlan falalka ammaanka liddiga ku ah.