Xubno katirsan golayaasha Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, guddiga horumarinta degmada Boosaaso, Rugta…

Xubno katirsan golayaasha Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, guddiga horumarinta degmada Boosaaso, Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiin kale, ayaa ka qaybgalay dhagaxdhigga mashruuca dhismaha waddada aadda Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
Mashruucan ayaa waxaa fulinaysa Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso, iyadoo kaashanaysa Guddiga Horumarinta Degmada Boosaaso, waxaana dhisaysa shirkadda TTN Construction Company oo horay loogu bartay dhismaha laamiyo heer sare ah.
Guddoomiyaha Degmada Boosaaso ayaa tan iyo intii ui xilka yimi xoogga saaray hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo bulshada si toos ah u taabanaya, isaga oo mudnaan gaar ah siiyey dhismaha kaabayaal casri ah, horumarinta waddooyinka, kor u qaadista adeegyada aasaasiga ah, iyo fulinta qorshayaal horumarineed oo lagu kobcinayo dhaqaalaha iyo bilicda magaalada.
Bulshada ayaa sidoo kale lagu ammaanay taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen mashaariicda horumarineed, iyadoo mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo Boosaaso casri ah oo horumarsan.





