Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) ayaa markale ka hadlay geerida Taliyihii Guutada Labaad…

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) ayaa markale ka hadlay geerida Taliyihii Guutada Labaad ee Ciidamada Difaaca Puntland, Janaraal Axmed Cabdi Cali (Qalyare), oo ku geeriyoodey qarax ka dhacay Cal-miskaad.
Lugatoor ayaa sheegay in Gen. Qalyare uu ku suntanaa geesinimo, hawlkarnimo iyo shaqo wanaag aysanna iloobi dooni dhammaan shacabka Soomaaliyeed doorkii uu ka qaatay dagaalka kooxaha nabaddiidka looga ciribtirayo gobolka Bari.
Waxa uu ballanqaaday in Gen. Qalyare loogu magacdari doono mid kamid ah waddooyinka ugu waaweyn ee Magaalada Garoowe si uusan uga bixin quluubta dhammaan shacabka looguna xusuusto.
“Waxa uu u shahiiday nabadda iyo dowladnimada Puntland iyo dhammaan Soomaaliya, inaan halkaan raaxo u joogno halyeyyo badan ayaa inooga baxay, taariikhdana waa la xusuusnaan doonaa wadada ugu muhiimsan Garoowe ayaa loogu magacdari doonaa si uu maskaxdeena ugu suntanaado”, Ayuu yiri Madaxweyne Lugatoor.




