Laba kamid ah isimada Sanaag iyo Haylaan oo ka digey shirka Laascaanood.

12 July, 2025

Sudaan Maxamed Suldaan Cabdullahi iyo Ugaas Maxamed Ugaas Ibraahim oo kamid ah isimada dhaqanka gobolada Sanaag…

Sudaan Maxamed Suldaan Cabdullahi iyo Ugaas Maxamed Ugaas Ibraahim oo kamid ah isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan ee Puntland ayaa ka hadlay shirka lafilayo inuu ka furmo Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka KHATUMO.

Labada Isin ayaa si isku mid ah u taageeray shirkii jaraa’id ee Garaad Jaamac Garaad Cali, waxaana ay sheegeen in dhismaha maamulka KHATUMO aysan cidna ku matalin bulshada kunool deegaamada Sanaag iyo Haylaan.

“Haddaanu nahay beesha Maxamuud Harti Waxaan Soomaalida iyo caalamkaba u sheegaynaa inaanan qayb ka ahayn shirka Laascaanood aysanna jirin cid aannu u wakiilanay, cid nagu matali kartaa aysan jirin, wixii ka soo baxana aysan cidi nagu matalin”, Ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi.