Labo kamid ah xubnihii golaha xukuumadda federalka ah ee Somalia deegaan doorashadooduna tahay Puntland ayaa ku…

Labo kamid ah xubnihii golaha xukuumadda federalka ah ee Somalia deegaan doorashadooduna tahay Puntland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah isaga casileen xilalkii ay ka hayeen dowladda Somalia.
Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen iyo wasiiru-dowlaha baatroolka & macdanta xildhibaan Ismaaciil Shire Buraale ayaa si rasmi ah u dhawaaqay iscasilaaddooda.
Xubnahaan iska casiley xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Somalia ayaa sheegay in ay diidan yihiin wax ka baddelka dastuurka oo ay tilmaameen in uusan marin wadatashi iyo habraac sharci.
Xildhibaanada labada aqal oo ay ka maqan yihiin inta badan xubnihii Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta u ballansan waxka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia oo ay dabada ka riixayso Madaxtooyada Somalia.



