Wararka ayaa sheegaya in 22 muwaadiniin Hindi ah ay ka mid yihiin shaqaalaha labada markab ganacsi ee lagu qabsaday laba dhacdo oo burcad-badeednimo oo kala duwan, kuwaas oo ka dhacay meelaha u dhow Yemen iyo Soomaaliya.

Laba markab oo ganacsi, oo ay saarnaayeen guud ahaan 22 muwaadiniin Hindi ah, ayaa lagu qabsaday laba weerar oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo oo ka dhacay biyaha u dhow Yemen iyo Soomaaliya.
Markabka Sibu 1, oo ah booyad shidaal oo ku socda calanka Eritrea, ayaa la sheegay in lix burcad-badeed oo hubaysan ay ku qabsadeen Gacanka Cadmeed, qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebaha Yemen, sida uu qoray wargeyska Hindustan Times.
Markabka waxaa saarnaa 20 shaqaale ah, kuwaas oo dhammaantood la sheegay inay nabad qabaan. 16 ka mid ah shaqaalaha ayaa ah muwaadiniin Hindi ah, halka shaqaalaha kale ay ka soo jeedaan Suuriya, Suudaan iyo Ciraaq. Jinsiyadda hal shaqaale ayaa weli aan la xaqiijin.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan halka uu markabku hadda ku sugan yahay iyo xaaladda shaqaalihiisa ayaa la filayaa in la helo.
Dhanka kale, xog dheeraad ah oo laga helayo markabka xamuulka ah ee Lutuv, oo ay qafaasheen koox kale meel ka baxsan Puntland oo hada ku sugan xeebaha Nugaal, ayaa la sheegay in Lix ka mid ah 10-ka shaqaale ee markabka ay yihiin muwaadiniin Hindi ah.




