Labo qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Washington

30 January, 2025

Labo qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed iyo mid helikobter ah oo ka dhacay magaalada Washington, Trump la yaabay shilkan ayaana ka hadlay

Ilo-wareedyo Maraykan ah ayaa ku warramay in dhowr qof ay dhinteen, maydad kalena la helay kaddib markii ay isku dhaceen diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee American Airlines iyo helikobtar milateri oo ku soo dhawaaday garoonka diyaaradaha ee Reagan ee magaalada Washington, halka madaxweyne Donald Trump uu la yaabay in shilkan uu sidan u dhacay.

American Airlines ayaa xaqiijisay in diyaaradeeda ay ku timid duulimaad gudaha ah oo ka timid Wichia, Kansas, iyadoo ay saarnaayeen 60 rakaab ah iyo 4 shaqaale ah, markii uu shilku ka dhacay webiga Potomac, abbaare sagaalkii fiidnimo ee Arbacada, waqtiga maxalliga ah. (labada saac ee subaxnimo ee Khamiista, Waqtiga Geeska Afrika).

Saraakiisha ayaan si rasmi ah u shaacin tirada dhimashada, balse Senator Roger Marshall oo laga soo doorto Kansas ayaa tilmaamay in laga yaabo in qof kasta oo saarnaa diyaaradda dhinteen.

Dhankeeda, CBS ayaa ka soo xigatay ilo booliis ah in kooxaha samatabbixinta ay ka soo saareen meydadka in ka badan 18 qof ilaa hadda webiga Potomac lamana helin wax ka badbaaday.

Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale soo xigtay ilo xog ogaal ah in meydadka tiro rakaab ah laga soo saaray wabiga.