Madaxweynihii dhawaan dib loogu doortay Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen & Guddoomiyaha Baarlamanka, Dr Cali Fiqi ayaa…

Madaxweynihii dhawaan dib loogu doortay Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen & Guddoomiyaha Baarlamanka, Dr Cali Fiqi ayaa hadda ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo, iyagoo ku wajahan dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Dowladd federalka ah ee Somalia ayaan ku guulaysan dameceedii ku aadanaa inaysan dalka ka bixin lagana dejiyo Magaalda Muqdisho ee caasimadd Somalia, mudaddii lagu jirey wada xaajoodyada bannaynta Magaalada Baydhabbo.
Dowladda Somalia oo aysan horay ugu diyaarsanayn tallaabada xigta ayaa waxaa horyaalla qaabka loo wajahayo dhismaha maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, nooca doorasho ee ay qaban doonto iyo maaraynta siyaasiinta xil doonka ah.
Ku dhawaad 10 xubnood oo dhammaan raadinaya xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed DFS kala shaqeeyey qabashada Koonfur Galbeed ayaa caawa ku sugan Baydhabo iyadoo kala xulashadoodu abuuri doonto kala durug siyaasadeed.




