Lafta-gareen oo Baydhabo ka horjoogsaday siyaasiyiin heshiis la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

21 October, 2025

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa loo…

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa loo diidey inay gaaraan Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah u maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku wargeliyey dhammaan shirkadaha duulimaadyada inaysan soo qaadi karin siyaasiyiin aan ogolaansho ka haysan Maamulkaasi, taasi oo meesha ka saaraysa siyaasiyinta ka aragti duwan maamulkaasi.

Waftigaan ayaa ka koobnaa xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulka Laftagareen ayaa la sheegay in ay Baydhabo u tagi lahaayeen in ay xafiisyo ka furtaan, si ay u bilaabaan ololaha doorashada qof iyo cod ee Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminayo.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa qayb ka ahaa xubnihii madasha samatabixinta ee Villa Somalia heshiiska kula galay hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, waxaana tallaabada Lafta-gareen caqabad ku noqon doontaa arrimaha doorashooyinkaasi.