Af-hayeenkii Koonfurgalbeed, Ugaas Xasan Cabdi ayaa markii u horreysey ka hadlay mowqifka Lafta-gareen, isagoo farriin u…

Af-hayeenkii Koonfurgalbeed, Ugaas Xasan Cabdi ayaa markii u horreysey ka hadlay mowqifka Lafta-gareen, isagoo farriin u diray bulshada deegaamada maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
“Annagu Jabhad meel laga la wareegey ma ahayn, waxaan ahayn dowlad, dadka reer KGS waxaan leenahay dowladnimada yaan gacantiina laga la bixin”, Ayuu yiri Ugaas Xasan.
Af-hayeenka oo la hadlayey idaacadda BBC ayaa beeniyey inaan looga adkaan xukunkanka Koonfur Galbeed, uusanna jirin heshiis ay la gaaareen dowladda federalka ah Somalia oo hadda gacanta ku haysa deegaamada maamulkaasi.
“Ma jiro wax heshiis ah oo aan qaadannay… Soomaali ma kala adkaato, waa lays khilaafaa, xabbadna waa dhici kartaa, waxaan doorannay in aanan dadkeena ku dul diririn”, Ayuu yiri markale afhayeenku.
Mar la weydiiyey waxa ay ciidanka Itoobiya u difaaci waayey, wuxuu se ku jawaabay: “Dalku waa Soomaali, Laftagareen ma xukumayn gobol Itoobiya ka tirsan, markaa ma jirin sabab Itoobiya ay noo difaacdo, Itoobiya dalka waxay ku joogtaa sharciga QM, KGS waa Soomaaliya.”




