Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa bayaan uu u diray…

Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa bayaan uu u diray Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, dhammaan safaaradaha Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka Soomaaliyeed, kaga hadlay xaaladda amni iyo weerarrada ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.
Garabka Lafta-gareen ayaa sheegay ayaa ugu horrayn cambaareeyey waxa ay ugu yeereen weerarrada ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ku qaadeen dad rayid ah iyo qaar kamid ah dhinacyada taageersan xukunkii hore ee Lafta-gareen oo dib joog ka ah Magaalada Baydhabo.
War-saxaafadeedka ayaa xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu la galay heshiisyo Al-Shabaab, kuwaas oo sida warqaddu sheegtay fududeeyay in ciidamada Dowladda Federaalka ay Muqdisho uga gudbaan dhanka Baydhabo.
Dhanka kalena, Laftagareen ayaa sheegay in hawlgallada milatari ee ciidamada federaalka ay socdeen muddo lix bilood ah, isagoo ku eedeeyay diyaarado Cessna ah in loo adeegsaday duqeymo lagu beegsaday tuulooyin ku dhow Baydhabo, gaar ahaan Hartiqaale, Ceel Dhoon, Ceel Ka Naho, Saaydheelow iyo Sanga Gali, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay in duqeymahaasi sababeen dhimasho rayid iyo xoolo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo loo adeegsadey diyaarado F-16 oo laga leeyahay Turkiga oo ku shaqeynayay amarka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamaal Cabdinasir ay weerareen General Mahad Cabdiraxmaan Cabdi, oo loo yaqaan General Shub, waxaana loogu yeeray dalalka Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, safaaradaha Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka Soomaaliyeed inay:
Si cad u cambaareeyaan weerarrada lagu sheegay in lagu qaaday Koonfur Galbeed, rayidka iyo siyaasiyiinta.
Taageeraan baaritaan caalami ah oo madax-bannaan, kaas oo lagu ogaanayo heshiisyada la sheegay inay la xiriiraan Al-Shabaab, doorka ciidamada federaalka, adeegsiga diyaaradaha Cessna iyo weerarka lagu qaaday General Shub.
Dalbadaan in la joojiyo hawlgallada milatari, duqeymaha iyo weerarrada lagu qaadayo tuulooyinka iyo siyaasiyiinta ama saraakiisha milatari.
Hubiyaan in baarayaasha ay si ammaan ah u gaaraan goobaha ay dhacdooyinku ka dhaceen, dadka markhaatiyaasha ah iyo xogta la xiriirta duulimaadyada iyo amarada hawlgallada.
La xisaabtamaan dadka lagu helo inay qorsheeyeen, oggolaadeen ama fuliyay falalka lagu eedeeyay.




