Lafta-gareen oo hanjabaad u diray siyaasiyiin & qaar kamid ah beelaha KGS.

7 February, 2026

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si adag uga hadlay dagaalkii laba maalmood…

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si adag uga hadlay dagaalkii laba maalmood ka socday magaalada Baydhabo, isagoo mas’uuliyadda ku eedeeyay beelo iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xusay in wixii dhacay ay ahaayeen arrimo muddo laga baaqsanayay, isla markaana uu mar walba ka taxaddarayay in dagaal lagu galo goobaha ay shacabka ku nool yihiin.

“Cid laga yeelayo ma jirto inay ku xadgudubto nabadda, horumarka iyo dowladnimada ka jirta Koonfur Galbeed. Wixii dhacay waa wax muddo aan ka baaqsanaynay, annagoo ka fikiraynay in aan dagaal lagu gelin dadka shacabka ah korkooda”, Ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Ugu dambayntiina Madaxweynaha ayaa eedayn u jeediyey qaar kamid ah beelaha degan maamulkaasi oo uu sheegay in loo soo adeegsadey burburinta Koonfur Galbeed,“Beelaha loo soo adeegsaday burburinta Koonfur Galbeed ee ay ka midka yihiin Harin, Yaantaar iyo Hadamo waxaan leeyahay toobad keena, aniga madaxweynaha igama qaadi kartaan dowladnimada.”