Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta diyaarad nooca qumaatiga u kaca…

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah kaga degi doona Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, xilli ay sii kordhayso xiisadda siyaasadeed ee kala dhexaysa DFS.
Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo xilligaan ku sugan Itoobiya, ayaa maanta diyaarad gaar ah kaga degaya Baydhabo, iyadoo DFS doonayso joojinta safarada deegaamada maamulkaasi & qaadista tallaabooyin ka dhan ah Lafta-gareen.
Ilo wareedyo ka agdhaw DFS ayaa sheegay in Madaxtooyadu doonayso in waaran soo qabasho loo jaro Lafta-gareen haddii uu ka leexdo jidkii loo asteeyey xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa qorshaynaya inuu Baydhabo ka soo saaro war-saxaafadeed ku saabsan ansixinta dastuurka cusub, isagoo ku tilmaamay in uusan aqoonsanayn.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa isku raacay inay garab istaagaan Laftagareen,laguna soo dhaweeyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.




