Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulamo ka bilaabay dalka Kenya…
Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulamo ka bilaabay dalka Kenya markii ugu horreysey kadib markii lagala wareegey magaalada Baydhabo.
Madaxweyne hore Lafta-gareen Nairobi wuxuu kulan la qaatay mudanayaal ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasinyiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku sheegay in kulankaas looga hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo caqabadaha jira deegaannadaas.
“Waxaan maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya casuumaad qado sharaf ah ugu sameeyey mudanayaasha labada Aqal ee BJFS iyo siyaasinyiinta deegaanada Koonfur Galbeed, kulanka ayaa waxaa ugu doodnay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, caqabadaha jira, iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo” Ayuu yiri Lafta-gareen.



