Lafta-gareen oo markale ku celiyey inuu yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

12 May, 2026

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo xoog looga saaray Magaalada Baydhabo ayaa markale ku celiyey inuu weli…

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo xoog looga saaray Magaalada Baydhabo ayaa markale ku celiyey inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal uu soo saaray ayuu Lafta-gareen ku shaaciyey inuusan meelna uga socon madaxtinimada Koonfur Galbeed, isagoo beeniyey inuu ku biiray mid kamid ah ururada siyaasadda Soomaaliya ka jira oo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayey.

HOOS KA AKHRI

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wuxuu si adag u beeninayaa wararka lagu faafinayo baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood ee sheegaya in Madaxweynaha uu ku biiray ururro siyaasadeed oo ka jira Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu caddeynayaa in aanu jirin wax xiriir ama ku biirid rasmi ah oo uu la leeyahay urur siyaasadeed gaar ah, isla markaana uu weli si buuxda diiradda u saarayo gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo igmaday iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu mabda’ ahaan aaminsan yahay muhiimada wada shaqeynta si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta, iyo horumarka dalka, iyadoo la ilaalinayo dastuurka, midnimada shacabka Soomaaliyeed, iyo wadajirka qaranka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta inay ka taxaddaraan faafinta wararka aan la hubin, isla markaana ay xogta saxda ah ka helaan hay’adaha rasmiga ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.