Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa markale noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, xilli aysan weli tallaabadaasi raali ka…

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa markale noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, xilli aysan weli tallaabadaasi raali ka ahayn dowladda federalka ah ee Somalia.
Doorasho waqtigeeda laga soo hormariyey oo maanta ka qabsoontay Magaalada Baydhabo ayaa barlamaanku markale Lafta-gareen ugu doorteen hoggaaminta Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
“Natiijada Cabdullaahi Xasan wuxuu helay 13 cod, halka Madaxweyne hore Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu ka helay 66 cod”, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha barlamaanka Koonfur Galbeed Dr Fiqi.
Dowladda Federalka ah ee Somalia oo ka soo horjeedda dib-udoorashada Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kumanaan askari maanta u soo dirtay Baydhabo.



