Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne…

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Lafay, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, gaar ahaan isbeddellada ka socda deegaannada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Qoraal ka soo baxay kulanka ayaa lagu sheegay inay sidoo kale, ka wada hadleen marxaladda kala-guurka siyaasadeed, xoojinta wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida. Waxaa kulanka lagu is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan isku-duwidda dadaallada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda labada dhinac.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo isbeddello la xiriira mustaqbalka hoggaanka iyo doorashooyinka, iyadoo ay sii kordhayaan kulamada siyaasiyiinta iyo madaxda dowlad-goboleedyada. Laftagareen ayaa tan iyo markii xoog looga saaray Baydhabo kulamo iyo abaabul siyaasadeed ka waday magaalada Nairobi.
Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya in ciidamo taabacsan Laftagareen ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaalada Baydhabo, xilli ay Koonfur Galbeed bannaayn doonaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Africa ee Somalia.



