Madaxweynaha Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa dalbaday in uu dalka isaga baxo, isaga oo talada & maamulka…

Madaxweynaha Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa dalbaday in uu dalka isaga baxo, isaga oo talada & maamulka ku wareejinaya dowladda federalka ah ee Somalia, kadib wadahadalo saacado qaatay oo dhexmaray laabda dhinac.
Dhankooda, Madaxda Federaalka ayaa se weli ku adkaysanaya in la geeyo Muqdisho si ay dowladdu gacanta ugu dhigto, xilli uu Raysal wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre ay xubno weheliyaan xubno sarsare ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo.
Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa degen, ciidamada & mas’uuliyiinta KGS qaar ayaa isu dhiibey Dowladda Federaalka oo mas’uuliyiinteedu sheegeen uusanna jirin aargoosi oo aan waxba laysu haysan.
Waxaa siweyn loo sugayaa dowladda federalka ah ee Somalia oo mas’uuliyadda Baydhaba cid u magacowda isla markaasna gudagashada dhismaha hoggaanka maamulkaasi oo iyada taabacsan.




