Lafta-gareen oo saluugey saami qaybsiga ururka Caddaladda iyo Wadajirka.

7 May, 2025

Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia, kuwa dowlad goboleedyada ee ku sugan Muqdisho, xildhibaano…

Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia, kuwa dowlad goboleedyada ee ku sugan Muqdisho, xildhibaano iyo siyaasiyiin xuluufo la ah Villa Somalia ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqi Urur siyaasadeed cusub.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka oo ka soo xuub siibtey UPD ayaa la sheegay inuu midayn doono dhammaan madaxda xilalka haysa, laguna dar-dar gelin doono doorashooyinka qof iyo cod ee ay riixayaan madaxda DFS.

Qaybsiga awoodaha dowladda ayaa sababay khilaaf soo kala dhexgalay madaxda DFS iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo siweyn uga carooday in beeshiisu aysan helin mid kamid ah xubnaha ugu sarreeya ee ururka.

Hoggaamiye iyo Musharax madaxweyne ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha ururka yahay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre

Xoghayaha guud ee Ururka waxaa loo qorsheeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo ay isku saami qaybsi yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaar kamid ah xuluufada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada dedaalo lagu qancinayo Madaxweyne Lafta-gareen si uu uga qayb galo shirka xafladda shaacinta urur siyaasadeedkaan oo haddii uu ka baaqdo dhabar jab ku noqon doonta qorshahan.