Lafta-gareen oo weeraray Xasan Sheekh difaacayna doorashadii Baydhabo.

21 May, 2026

Madweynihii xoogga looga saaray Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa…

Madweynihii xoogga looga saaray Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa weerar ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed sii nacayaan.

“Xasan Shiikh waa Madaxweyne hore, muddo la sii joogo anaa soo arkay waxba laguma helo waa lagu sii nacayaa, inta aad sharciyadda haysato ayaa amarkaagu shaqaynayaa, maalinka xilka kaa dhammaado cid kasta waa kaa adkaanaysaa, Xasanoow haddaad lacag haysataa ee doorasho macaquul ah dalka u qabi wax kale oo dhan iska laab”, Ayuu yiri Lafta-gareen.

Dhanka kalena, Lafta-gareen oo difaacay doorashadii uu halka maalin ee uu ka qabtay Baydhabo ayaa sheegay in Somalia marayso isku caano shub ayna tahay inaan bulshada waqti laga lumin.

“Doorashadii aan qabtay waxay ahayd nidaam cusub oo dunida ka jira, hal maalin waa in doorashada la qabto…Soomaaliya kama jirto doorasho daahfuran, mid kasta waa isku caana-shub, markaa maaha in dadka waqti laga lumiyo.” Ayuu yiri Lafta-gareen.