Laftagareen oo ammaanay doorka Itoobiya ee nabadaynta Somalia.

3 March, 2025

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo kaga qeybgalay Munaasabad lagu xusaayey…

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo kaga qeybgalay Munaasabad lagu xusaayey Guusha Adwa iska Caabintii Gumaysiga iyo Guushii Midnimada Afrika.

Madaxweyne Laftagareen oo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ugu horrayn ku dheeraaday xiriirka maamulkiisa kala dhexeeya Somalia Itoobiya iyo doorka ay xukuumadda Addis ka qaadatay dagaalka kooxaha nabaddiidka ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Laftagareen waxa uu sheegay in Itoobiya ay tahay waddan walaalnimo kala dhexayso Soomaaliya isla markaana kaalin weyn ka soo qaatay nabadaynta Soomaaliya tan iyo markii ciidankeedu soo galeen Soomaaliya xilligii TFG-dii.