Craig iyo Lindsay Foreman oo British ah oo lagu xiray Iran ayaa lagu eedeeyay basaasnimo.

Afhayeen u hadlay Iran ayaa sheegay in labadan qof ay dalka galeen “iyagoo iska dhigaya dalxiisayaal” ayna xog ururinayeen ka hor inta aan la xirin.
Afhayeen u hadlay garsoorka Iran Asghar Jahangir ayaa sheegay in labadan qof ay Iran galeen “iyagoo iska dhigaya dalxiisayaal” waxayna xog ururinayeen ka hor intii aan lagu xirin gobolka Kerman.
Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa Talaadadii sheegay inay “aad uga walaacsan yihiin” ka dib markii mas’uuliyiinta Iran ay ku dhawaaqeen inay dacwad ku soo oogeen lamaanaha u dhashay Britain ee Iran lagu xiray.
Sida ay sheegtay BBC-da, lamaanahan ayaa da’doodu ka yar tahay 50-meeyada waxaana markii ugu horreysay la xiray bishii Janaayo.
Dhowr qof oo kale oo reer Yurub ah ayaa lagu hayaa xabsiyada dalkaasi Iran, kuwaas oo dhowr maxaabiis isweydaarsaday dowlado reer galbeedka sanadihii u dambeeyay.