Lataliyihii Madaxweyne Deni oo lagu xiray Muqdisho & xildhibaano sheegay in la weeraray.

2 days ago

Ciidanka ammaanka dowladda Somalia ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday hotel ay Muqdisho ka degganaayeen xildhibaano…

Ciidanka ammaanka dowladda Somalia ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday hotel ay Muqdisho ka degganaayeen xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaamada Puntland, kadib markii laga diidey duulimaad ay ugu soo bixi lahaayeen Garoowe.

Ciidanka ayaa goobta ka kaxaystay Axmed Hurre oo kamid ah lataliyayaasha Madaxweynaha Puntland, waxaana boolisku ayaa sheegeen in mas’uulkan uu ku howlanaa falal lid ku ah amniga, isla markaana uu hadda ku socdo baaritaan rasmi ah.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa  gacanta ku dhigay eedeysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga liddi ku ah, waxaana ku socda baaris,” ayaa lagu yiri qoraalka uu taliska boolisku ku baahiyay barta Facebook, kaas oo uu la socday sawirka Hurre.

Dhanka kalena, Madaxtooyada Puntland ayaa si adag u cambaaraysay weerarka lagu qaaday xildhibaanada iyo xarigga Axmed Hurre oo lagu sheegay afduub badheedh ah iyo tallaabooyin lagu beegsanayo dadka iyo madaxda reer Puntland.