Lavrov oo dhaleeceeyey isku dayga lagu doonayo in Ruushka looga saaro Suuriya

4 February, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ka hadlay “dhibaatooyinka ka jira Suuriya” wuxuuna sheegay in Israa’iil ay qorsheynayso inay sii joogto Lubnaan iyo Suuriya kadib markii ay gudaha u gashay.

Hadalka Lavrov ayaa yimid intii lagu guda jiray shir ka dhacay Moscow, kaas oo uu ku nuuxnuuxsaday in wadahadalka gudaha ee Suuriya “uusan wanaagsanayn.”

Lavrov waxa uu dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay “isku dayga lagu doonayo in Ruushka, Shiinaha iyo Iran laga saaro Suuriya,” wuxuuna sheegay in tani ay daaha ka qaaday “qorshayaasha reer galbeedka.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in joogitaankooda iyo “caawinta wax ku oolka ah ee ee Suuriya ay lagama maarmaan tahay.”

28-kii Janaayo, wafdi Ruush ah oo uu hoggaaminayo Alexander Lavrentiev, oo ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u jooga Suuriya, ayaa booqday caasimadda Dimishiq, booqashadii ugu horreysay ee Ruushku heerkan oo kale ah tan iyo markii la riday Madaxweyne Bashaar Al-Asad oo magangelyo siisay Moscow.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa xiligaasi ku dhawaaqday in wafdigii ay la kulmeen maamulka cusub ee Suuriya ay ka soo baxeen heshiis lagu sii wado wadatashiyada lagu heshiinayo Moscow iyo Dimishiq.