Musharaxa Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee DFS Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), ayaa sheegay in burcad-badeedda uu…

Musharaxa Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee DFS Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), ayaa sheegay in burcad-badeedda uu sheegay inay ka soo qaxeen xeebaha Puntland aysan ku badbaadayn deegaannada Galmudug, isagoo tilmaamay in hay’adaha amniga maamulkaasi ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Liibaan Shuluq ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Galmudug ay saacadaha soo socda bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah burcad-badeedda ku sugan xeebaha maamulka, isagoo sheegay in aan loo oggolaan doonin inay Galmudug ka dhigtaan meel ay ku dhuuntaan ama uga howlgalaan.
“Burcad-badeedda ka soo qaxay Puntland kuma badbaadimayaan Galmudug, hay’adaha amnigana tallaabo ayay ka qaadayaan saacadaha soo socda,” ayuu yiri Liibaan Shuluq.
Digniintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo markabka MV Asana, oo burcad-badeed Soomaali ahi gacanta ku hayaan, uu haatan ku sugan yahay xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, kaddib markii uu toddobaadkii hore ka dhaqaaqay xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland.




