Liiska barlamaanka cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay.

28 March, 2026

Xubnaha guddiga doorashooyinka ee uu dhawaan soo Magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa…

Xubnaha guddiga doorashooyinka ee uu dhawaan soo Magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xildhibaanada cusub ee maamulkaasi.

Liiska xildhibaanada cusub oo 95 xubnood ayaa la sheegay in laga soo xulay beelaha dega Koonfur Galbeed, kuwaas oo la qorsheynayo in ay 29 bishan doortaan guddoonkooda, kadibna Madaxweynaha Maamulkaasi.