Liiska musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyey.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta shaaciyay liiska saddex musharrax oo u…

7 June, 2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta shaaciyay liiska saddex musharrax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Tirada musharixiinta Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka soo muuqday Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Cusmaan.

Siyaasiyiinta qaar ayaa walaac ka muujiyey faragelinta Guddiga Doorashooyinka Federaalka oo si toos ah u maamulaya geeddi-socodka doorashada Koonfur Galbeed, halka ay hore door muhiim ah uga lahaayeen guddiyada doorashada ee gudaha Baarlamaanka maamulkaas.