Lionel Messi oo 208 kulan kadib macasalaameeyey xulka qaranka Argentina.

Lionel Messi ayaa si qiiro leh u soo xiray 21 sano oo uu ka tirsanaa xulka…

7 October, 2026

Lionel Messi ayaa si qiiro leh u soo xiray 21 sano oo uu ka tirsanaa xulka qaranka Argentina, kaddib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee xulka, kaas oo Argentina 3–0 kaga adkaatay Benin, Waxaana Garoonka Monumental ee Buenos Aires uu isu beddelay goob lagu sagootinayo mid ka mid ah ciyaartoydii ugu waaweynaa ee abid xirta funaanadda qaranka Argentina.

Messi, oo xulka Argentina kulankiisii ugu horreeyay u saftay 17-kii Agoosto 2005, ayaa safarkiisa caalamiga ah ku soo gabagabeeyay 208 kulan iyo 126 gool, iyadoo kulankiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa kulan saaxiibtinimo oo Argentina iyo Hungary ku dhex maray Budapest, kaas oo xusuus gaar ah yeeshay kadib markii Messi kaarka cas qaatay wax yar kaddib markii uu beddel ku soo galay.

Sanadihii xigay, Messi wuxuu noqday hoggaamiyaha iyo kabtanka Argentina, isaga oo kooxda kala qeyb galay tartamo badan oo waaweyn, Messi ayaa ciyaaray lix Koob Adduun, isagoo 2014 uu Argentina gaarsiiyay finalka Koobka Adduunka, inkastoo Germany ay 1–0 kaga adkaatay, Argentina ayaa sidoo kale ku guuldarreysatay finaladii Copa América ee 2015 iyo 2016, taas oo xilligaas keentay in Messi uu xitaa ku dhawaaqo inuu ka fariistay xulka.

Waayaha Messi iyo Argentina ayaa si weyn isu beddeley 2021, markaas oo uu xulkiisa ka caawiyay inay ku guuleystaan Copa América, kadib  markii ay finnalkii ka dhacay Maracanã 1–0 kaga adkaatay Brazil, wuxuuna xilligaas kadib quuddarreeyey rajooyinkiisa waayaha koobka Adduunka.

Finalkii Koobka Adduunka ee 2022, Argentina iyo France waxay ku kala baxeen rigooreyaal kaddib ciyaar 3–3 ku dhammaatay, Messi ayaana 120 daqiiqo oo ciyaartu socotey dhaliyay laba gool, wuxuuna ugu dambeyn qaaday koobkii adduunka ee muddo dheer uu ku hamminayay, taasi oo meesha ka saartay doodihii muddada dheer socday ee ku saabsanaa in Messi uusan Argentina la qaadi karin koobka ugu weyn kubadda cagta.

Messi iyo Argentina waxay markale ku guuleysteen Copa América 2024, iyagoo finalka kaga adkaaday Colombia. Sidaas ayuu Messi ku noqday ciyaaryahan xulkiisa la qaaday Koob Adduun, laba Copa América iyo Finalissima.

Kulankiisii ugu dambeeyay ee xulka, Argentina ayaa 3–0 kaga adkaatay Benin. Nicolás Otamendi ayaa furay goolasha, Nico Paz ayaa dhaliyay goolka labaad, halka Messi uu rigoore ku dhaliyay goolka saddexaad. Messi ayaa sidoo kale qeyb weyn ku lahaa labada gool ee hore, isagoo kulankiisii macasalaamaynta ku soo xiray hal gool iyo laba caawin.

Taageerayaashii buuxiyay tuulada ciyaaraha Monumental ayaa si gaar ah u xusay lambarka 10, iyadoo ciyaarta lafteedana ay noqotay munaasabad loogu dabaaldegayo xirfaddii caalamiga ahayd ee Messi. Isaga iyo ciyaartoydii kale ee xulka ayaa goobta ka muujiyay dareen xooggan, iyadoo Messi uu qiray in macasalaamaynta Argentina ay ahayd mid si gaar ah u taabanaysa.

“Waxaan ku guuleysanay Koobka Adduunka, Copa América iyo Finalissima. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa wax walba, Mar kasta oo aan garoonka soo galnay, waxaan ogaa inaan qof walba la tartami karno”, Ayuu yiri Messi oo la hadlay taageerayaasha xulka Argentin.

Lionel Messi ayaa xulka Argentina u saftay 208 kulan, isagoo dhaliyay 126 gool isla markaana sameeyay 67 caawin; wuxuu xulkiisa kula guuleystay 1 Koob Adduun, 2 Copa América iyo 1 Finalissima, halka shaqsiyan uu muddadadaasi 8 jeer ku guulaystey abaalmarinta laacibka Adduunka ee Ballon d’Or.