Ugu yaraan lix askari oo booliis ah ayaa lagu dilay dalka Kenya, halka afar kalena lagu dhaawacay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen xero boolis oo ku taalla degmada Gaarisa ee gobolka bari ee dalka Kenya, sida ay booliisku sheegeen.

Weerarka oo dhacay aroornimadii Axadda ayaa waxaa fuliyay dagaalyahanno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda argagixisada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidada, sida lagu sheegay warbixin boolisku soo saaray.
Weeraryahanno ka tirsan kooxda argagixisada ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar ku qaaday xero ay degan yihiin ciidamada kaydka ah ee bilayska waxayna u isticmaaleen hub kala duwan si ay xerada u dhaafaan, Lix dhimasho ah ayaa la xaqiijiyay iyadoo afar dhaawac ah oo isbitaal la dhigay.” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Talaadadii safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay digniin, iyadoo u sheegtay dadka Mareykanka ah inaysan u safrin meelo ka mid ah Kenya oo ay ku jirto Gaarisa iyo gobollada kale ee ku teedsan xuduudka Soomaaliya, sababo la xiriira hanjabaado argagixiso.
Horseed Media



