Lix markab oo waaweyn oo Sacuudi ah, midkiiba qaadi kara ilaa laba milyan oo foosto oo shidaal ceeriin ah, ayaa ka baaqsaday marinka Bab el-Mandeb, iyagoo doortay inay ku wareegaan koonfurta Afrika kadib hanjabaado ay Xuutiyiintu u jeediyeen maraakiibta Sacuudiga.

Lix markab oo waaweyn oo shidaal qaada oo ay maamusho shirkadda Sacuudiga ee Bahri ayaa ka leexday marinkoodii caadiga ahaa ee Gacanka Cadmeed iyo Bab el-Mandeb, iyagoo doortay inay ku wareegaan Cape of Good Hope ee koonfurta Afrika, sida ay muujinayso xogta raadraaca maraakiibta.
Maraakiibtan oo faaruq ahaa kadib markii ay shidaal ka dajiyeen dekedo ku yaalla Aasiya, ayaa ka baaqsaday marinka Badda Cas kadib markii Xuutiyiinta Yemen ay ku dhawaaqeen inay bartilmaameedsan doonaan maraakiibta Sacuudiga.
Go’aankan ayaa la filayaa inuu safarka ku kordhiyo ugu yaraan 25 maalmood, isla markaana sare u qaado kharashaadka shidaalka, shaqaalaha iyo caymiska maraakiibta. Toddobaadkii hore, suuqa caymiska badda ee London ayaa ballaariyay aagga loo aqoonsaday “khatar sare” ee Badda Cas, taasoo kor u qaaday qiimaha caymiska maraakiibta gobolka.
Isbeddelkan ayaa saameyn toos ah ku yeelan kara Soomaaliya, maadaama inta badan shidaalka, raashinka iyo badeecadaha kale ee dalka laga keeno Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Aasiya ay maraan Bab el-Mandeb iyo Gacanka Cadmeed ka hor inta aysan soo gaarin dekedaha Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera.
Inkasta oo aan la soo sheegin wax weerar ah oo lagu qaaday maraakiib si toos ah ugu socday Soomaaliya, khubarada gaadiidka badda ayaa sheegay in ka fogaanshaha marinkan uu kordhin karo kharashaadka xamuulka, taasoo ugu dambeyn saameyn ku yeelan karta qiimaha badeecadaha gudaha.
Leexashada maraakiibtan ayaa muujinaysa sida xiisadaha amni ee ka taagan Badda Cas inay beddelaan isu socodka ganacsiga caalamiga ah, iyadoo dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, ay ka mid yihiin kuwa ugu nugul kororka kharashaadka dhoofinta iyo soo dejinta.
/hm




