Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia waxaa ka socda loolan xooggan oo ku aadan hanaanka maamulka doorashooyinka…

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia waxaa ka socda loolan xooggan oo ku aadan hanaanka maamulka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed iyo cidda ay DFS u dhisayso hoggaanka cusub ee maamulkaasi.
Ku dhawaad 10 xubnood oo xilal kala duwan ka haya DFS qaybna ka ahaan duulaankii Baydhabo looga saaray Madaxweyne Lafta-gareen ayaa dhammaan ku dedaaley sidii ay Villa Somalia ugu qancin lahaayeen damocooda ku aadan hoggaaminta Koonfur Galbeed.
Kulamo xalay ka qabsoomay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu go’aamiyey in xildhibaanada heer dowlad goboleed lagu soo doorto qof iyo cod iyadoo xisbiga dowladda ee JSP uu musharax u noqon doono guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyadoo uu loolanka ugu adag ee gudaha xisbiga kala kulmay Senator Xuseen Sheekh.
Madaxweynaha Somalila ayaa horay u sheegay in Koonfur Galbeed lagu tijaabin doono doorashooyinka qof iyo cod ee dowladdiisu waddo, kadib markii xoog looga saaray Madaxweyne Lafta-gareen oo qaadacay qorshaha dowladda.



