Lugatoor oo amray inaan Puntland laga taageeri karin DFS ciidamana looga qori karin.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa amar ku siiyey guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka in…

10 June, 2026

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa amar ku siiyey guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka in deegaamada Puntland laga mamnoocay qabashada shirarka lagu taageerayo DFS iyo qorista ciidanka loo diiwaangeliyo Dowladda Federalka ah ee Somalia.

Lugatoor ayaa ku dhawaaqay inaan cidna looga haybaysan doonin burburinta Puntland iyo abaabulka waxkasta oo lagu waxyeelaynayo nabadgelyada, jiritaanka iyo guud ahaanba dowladnimada Puntland ayna tallaabo ka qaadi doonaan.

“Ma Xasan Sheekh oo waqtigiisii dhammaaday ayaa manta Puntland ciidamo looga qorayaa oo shirar looga abaabulayaa, intiina xilalka haysa sidee nin Xamar ka yimid deegaankaagii kaaga adkaan karaa oo ciidamo looga qoranayaa xafiiska u bannee isagaa wax iska dhicinayee”, Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Madaxweyne kuixgeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa intaasi ku daray,“Mid ogaada saw guddoomiyayaashii degmooyinka iyo gobolada ma joogaan nin Xamar ka yimid Puntland shirar kuma qaban karo, ninkii guri guntii ku dhuumanaya waa gaar, dowladnimadaa iyadoo intaas ka yar ayaa la difaacayey maanta oo ay 28 sano dhisan tahay yeelimayno in dusheena lagu dhibaateeyo.”

“Dadka reer Puntland waa ina taageersan yihiin dowladnimadoodana way rabaan laakiin haddaan fulayo noqono oo dhawrno nin u yimid dalkaan inuu ciidamo ka samaysto maxay shalay dowladda u dhisteen, wixii nalaku ammaanay saw khasaare ma ahan, waa lakala aragti duwaan karaa, siyaasiguna Xamar waa tegi karaa laakiin burburinta dowladnimada Puntland aqbali mayno”, Ayuu intaasi ku daray Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland