Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u…

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha, FSRP (Somalia Food Systems Resilience Project) oo maalgelinaysa dhismaha iyo Shirkadda TESCO (Tayo Engineering Solutions Co.) oo fulinaysa dhismaha xaruntan.
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey in maanta wixii ka danbeeya la billaabayo dhisme cusub oo ay leedahay Waaaaradda Beeraha, oo muhiimad gaar ah u leh adeega Dowladnimo iyo horumarinta Wax-soo-saarka xili adduunku uu isku tashi u guuray.
Xaruntan cusub ayaa loogu talagalay in lagu casriyeeyo adeegyada Wasaaradda, laguna xoojiyo taageerada beeralayda, amniga cuntada, horumarinta nidaamyada waraabka iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha.




