Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sarre oo ka…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sarre oo ka socda Hay’adda Refugees International oo uu hoggaaminayay Madaxa Hay’adda Mudane Jeremy Konyndyk .
Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Hay’adda Refugees International oo fadhigeedu yahay magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha Bani’aadanimada , Abaaraha, Qaxootiga iyo Barakacayaasha .
Waxaa kulanka ka qeyb galay Wasiiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Xirsi Qarjab iyo Wasiiru Dowlaha Waaaaradda Qorshaynta Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.





