Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay in la…

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay in la xoojiyo dowladnimada, lana soo afjaro jiritaanka hub iyo ciidan si gaar ah ugu xiran reer ama shaqsi gaar ah, isagoo xusay inuusan jiri karin qof hubaysan oo aan katirsanayn ciidamada Dowladda.
Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in dowladnimada Puntland ay tahay inay noqoto awoodda keliya ee mas’uulka ka ah amniga iyo ciidamada, taas oo uu ku tilmaamay muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka deegaannada Puntland.
“Puntland waxaa ka go’an inuusan jirin qori iyo ciidan uu reer ama qof Lee yahay, dowladnimada Puntland waa inay cid qori soo qaadatay uxirnaan”, Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyas Cismaan Lugatoor.
Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland wuxuu sheegay in Puntland leedahay kheyraad dabiici ah oo ballaaran, isagoo ku dooday in kheyraadka ay Puntland haysato aysan haysan dowlado badan oo dunida ka mid ah, lagana abuuri karo fursado dhaqaale.
Waxa uu carrabaabay in Puntland ay hiigsanayso in sanadka 2027 loo soo shaqo tago, isagoo xusay in dowladdu doonayso inay abuurto fursado shaqo oo ku filan shacabka, isla markaana la yareeyo shaqo la’aanta,”Kheyraadka Puntland haysata dowladaha aduunka barkood mahaysatan, Puntland in loosoo shaqa taga 2027 ayaa naga go’an oo lawaaya qof shaqa la’aan ah.”




