Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cisman Lugatoor, ayaa caawa ka qayb galay xafladda qalin-jabinta ardayda Markaska…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cisman Lugatoor, ayaa caawa ka qayb galay xafladda qalin-jabinta ardayda Markaska Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax ee magaalada Garoowe.
Munaasabadda qalin-jabinta waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddoomiyaha degmada Garoowe, maamulka Markaska, culimaa’udiin, aqoonyahanno, iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay halkaas ka sii wadaan barashada cilmiga iyo kor u qaadista aqoontooda.




