Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa shaqa joojin xilka qaadis ku dhaw ku sameeyey Wasiirka…

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa shaqa joojin xilka qaadis ku dhaw ku sameeyey Wasiirka Wasaaradda qorshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah, Daa’uud Maxamed Cumar (Bisle).
Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa lagu xusay in uu shaqada wasaaradda sii wadi doono wasiir ku-xigeenka inta laga soo magacaabo wasiir cusub.
Dhanka kalena, Wareegtada ayaa lagu faray hantidhawraha guud ee Puntland inuu wasiirka ka wareejiyo dhammaan gaadiidka iyo hantida kale ee uu u hayo dowladda Puntland, taasi oo ka dhigan inuusan shaqada dib ugu soo laaban doonin.




