Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa si adag uga hadlay ciidamadii ay…

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa si adag uga hadlay ciidamadii ay dowladda federalka ah mushaharka uga qortay deegaamada Puntland oo dhawaan qaybo kamid ah lagu soo bandhigay magaalada Laascaanood.
Lugatoor ayaa sheegay in ciidamadaasi ay lacag ka qaataan DFS haseyeeshee aysan u aqoonsanayn ciidamo heer federal ah, isagoo xusay inay yihiin kuwii ka soo shaqeeyey quruxda iyo nabadda deegaamada Puntland.
“Ciidamada Puntland ee Xasan Sheekh Xoogaaga lacagta siiyay uma aqoonsan doono ciidan Fadaraal ee waa ciidamo reer Puntland ah, waana Wiilashii Quruxda Puntland leedahay ka shaqeeyay”, Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa digniin u diray siyaasiyiinta reer Puntland ee xuluufada dhaw la ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,”Siyaasiyiinta Reer Puntland ee waxaan leenahay, Xasan dhowr bilood ayaa u hartaye la shaqaysta balse dalkiina ha dhibtaynina Berri ayaad xukumi doontaane.”



