Maamul goboleedyo xiriirka u jaray Wasaaradda awqaafta Somalia.

12 January, 2026

Qaar kamid ah wasaaradaha arrimaha diinta dowlad goboleedyada dalka ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka wadashaqayneed u…

Qaar kamid ah wasaaradaha arrimaha diinta dowlad goboleedyada dalka ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka wadashaqayneed u jareen wasaaradda diinta iyo arrimaha xajka dowladda Somalia.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Diinta ee Woqooyi-Bari, Hirshabeelle, Galmudug iyo KGS ayaa ku dhawaaqay inay xidhiidhka u jareen Wasaaradda Arrimaha Diinta Federaalka, iyaga oo ku eedeeyay isku-koobid iyo ku takrifal maamulka Xajka, kana baydhid hanaanka federaalka.

Wasaaradda diinta iyo arrimaha xajka ayaa soo rogtey baaritaan caafimaad oo lagu samaynayo xujayda iyo muwaadiniinta cumraysanaya, waxaana arrintaasi loo xiray goobo caafimaad oo gaar loo lee yahay.