Maamulka degmada Garoowe oo bulshada u soo bandhigay mashaariic cusub.

Xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, xildhibaanada golaha…

5 September, 2026

Xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, xildhibaanada golaha deegaanka, isimada dhaqanka, saraakiil katirsan ciidanka ammaanka, oday dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay daahfurka kal-fadhiga 36aad ee golaha deegaanka Degmada Garoowe.

Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga golaha deegaanka ayaa lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay maamulka degmada muddadii u dhexaysay laabda kal-fadhi, qorshayaasha hortebinta leh ee horyaal golaha deegaanka iyo maamulka degmada, dardargelinta cashuuraha, mashaariicda horumarineed ee degmada ku soo foolleh iyo arrimo kale.

Duqa degmada ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Garoowe Cabdulqaadir Axmed Geeddi, ayaa ugu horrayn sheegay in degmadu hirgelisey mashaariic isugu jirtey dhismaha laamiyo, dhuumaha biya-saarka magaalada, diyaarinta beero bilicda magaalada ka qayb qaadanaya iyo arrimo kale, wuxuuna xusay inay qorshaha ugu jiraan mashaariic ay kamid yihiin dhismaha laamiyada Shaariqa iyo Bulsho, diyaarinta beerta nasashada caasimadda iyo qorshayaal kale oo la hirgelin doono muddada u dhexaysa labada kal-fadhi.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulqaadir Cismaan Samatar ayaa dhankiisa ku bogaadiyey golaha deegaanka wadashaqaynta heer gobol iyo shaqooyinka baaxadda leh ee ay ka hirgeliyeen Magaalada caasimadda, wuxuuna balanqaaday inay kala shaqayn doonaan ammaanka, hirgelinta mashaariicda degmada horyaalla iyo horumarinta adeegyada aasaasiga u ah bulshada caasimadda.

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, oo katirsan golaha wakiilada Dowladda Puntland iyo hoggaanka xisbiyada siyaasadda ayaa bogaadiyey waxqabadka degmada oo uu sheegay inay siweyn uga faa’iidaysatey hanaankii dimuquraadiyadda Puntland, isagoo ka sheekeeyey juhdigii lagu bixiyey in Geeddi noqdo maayarka caasimadda Puntland ee Garoowe.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase, oo kamid ah isimada dhaqanka ee deegaamada Puntland ayaa dhankiisa ka markhaanti kacay waxqabadka maamulka iyo golaha deegaanka degmada Garoowe, wuxuuna muujiyey sida maaraynta khilaafaadkii la xiriirey kursigu guul ugu horseeday Magaalada Garoowe, wuxuuna shacabka ku booriyey inay garab joogsadaan guddoonka iyo golaha deegaanka si ay horay ugu sii qaadaan shaqooyinka socda.

‎Wasiir Ka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Cabdir Xirsi Cali (Qarjab) oo furitaanka hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Golaha deegaanka ay si firfircoon uga qayb qaataan geeddi-socodka horumarinta Degmada iyo adeeg bixinta Dawladda Hoose, taas oo ay muhiim tahay in lagu garabsiiyo maamulka Degmada iyo shaqaalaha Dawladda Hoose.