Maamulka Degmada Garoowe oo ficil kaga jawaabey cabashadii beeraleeyda

Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa sheegtay in la soo gabagabeeyay shaqada xaqiijinta iyo calaamadinta xadka…

9 October, 2026

Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa sheegtay in la soo gabagabeeyay shaqada xaqiijinta iyo calaamadinta xadka seeraha dhulka garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe, xilli qaar ka mid ah beeraleyda deegaanku ay cabasho ka muujiyeen dhulka la calaamadeeyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Hoose ayaa lagu sheegay in shaqada loo qabtay sidii loo caddeyn lahaa loona ilaalin lahaa xuduudaha dhulka garoonka diyaaradaha, taasi oo u muuqata tallaabo uu maamulka degmada Garoowe u qaaday ka jawaabidda cabashada beeraleeyda deegaanka Bari ee Garoowe.

Cabashada beeraleyda Jibagalle ayaa la xiriirta dhulka loo asteeyay ballaarinta garoonka diyaaradaha, iyagoo sheegay in calaamadeynta cusub ay saameyn ku yeelatay dhul-beereedkooda, waxaana qaarkood eedaymo u jeediyeen shirkadda maamusha garoonka iyo shaqsiyaad ay sheegeen inay ku lug leeyihiin arrinta dhulka.