Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dawladda Galmudug ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeyneyso in…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dawladda Galmudug ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeyneyso in aysan jirin wax sharci ah oo kasoo baxay koox sheeganeysa magaca Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka oo baraha bulshada ku faafiyey in ay ka qeybgalayaan tartanka doorashada golayaasha deegaanka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in arrintaasi ay baalmarsan tahay shuruucda iyo habraacyada ururada siyaasadda ee ka diiwaangashan Galmudug, isla markaana baaritaan lagu hayo cidda ka dambeysay tallaabadaas.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay wargelisay dhammaan ururada siyaasadda ee la diiwaangeliyey inay sugaan inta laga ansixinayo hanaanka ay ku geli doonaan ololaha doorashada, taasoo ku xiran oggolaanshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
War-saxaafadeedkan ayaa muujinaya in Dawladda Galmudug ay si toos ah uga hor timid koox isku dayday inay ku metelaan Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo arrintaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah.



