Maamulka gobolka Bari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo…

Maamulka gobolka Bari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo ammaanka gobolka Bari, xilli uu weli socdo hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaah–doon), ayaa sheegay inay ciidanku amar ku qabaan qabashada cidkasta oo ammaanka waxyeelo gaarsiinaysa ayna mamnooceen shirarka aysan dowladdu ogayn.
“Ciidanka ammaanku waxay amar ku qabaan inay la dagaalamaan maandooriyaha, waxay amar ku qabaan inay la dagaalamaan argagixisada, waxay amar ku qabaan inay la dagaalamaan ciddii sharciga ku xadgudubta, shacabkuna waa inay ku gacansiiyaan arrinkaasi”, Ayuu yiri guddoomiye Shaah-doon.
Dhanka kalena Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaah–doon), ayaa amray in Magaalada Boosaaso iyo guuda ahaanba gobolka Bari aan lagu qaban karin shirar siyaasadeed iyo kulamo lagu kala qaybinayo bulshada qaybeheeda kala duwan.
“Waxaa mamnooc ah shir kala qaybinaya bulshada, wax kasta oo midnimada bulshadu waa soo dhaweynaynaa, shirkii aan kala qaybinayn bulshada oo midnimadoodu kujirto waa soo dhaweynaynaa laakiin shir bulsahda kala qaybinaya waa mamnooc”, Ayuu yiri guddoomiye Shaah-doon.



