Gudoomiyaha gobalka Bari Cabdirisaaq Siciid Shaah-doon ayaa si adag uga hadlay xarigga rag lagu xiray Magaalada…

Gudoomiyaha gobalka Bari Cabdirisaaq Siciid Shaah-doon ayaa si adag uga hadlay xarigga rag lagu xiray Magaalada Boosaaso iyo xubno kale oo uu sheegay in laamaha ammaanku ku raad-joogan, kuna eedaysan falal kala duwan.
Shaah-doon waxa uu sheegay in raggaasi oo ahaa qaadwalayaal ay xirteen wadada halbowlaha ah ee isku xirta Boosaaso, isagoo sheegay in sharicga la horkeeni doono maadaama aysan wax ruqsad ah haysan kuna dhaqaaqeen falal qaatacul-dariiqnimo ah, sida uu hada;la u dhigay.
Dhanka kalena, guddoomiyaha gobolka Bari ayaaa sheegay in ay ku daba jiraan dadka la shaqeeya Daacish iyo Al-shaab, kuwaas oo dhowr jeer cafis loo firiyay , hase ahaatee ka dhaga adaygay oo weli la shaqaynaya kooxaas.




