Maamulka gobolka Bari oo xalliyey cabashadii ciidanka xirtay jidka garoonka Boosaaso.

29 July, 2025

Mas’uuliyiin dowladda katirsan ayaa ku guulaystey inay dib u furaan laamiga gala Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo…

Mas’uuliyiin dowladda katirsan ayaa ku guulaystey inay dib u furaan laamiga gala Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ay saaka xirteen ciidamo ka gedoodsan xuquuq ay sheegeen inay dowladda kaga maqan tahay.

Xubno katirsan maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso oo isku xil-saaray xallinta tabashada ciidanka ayaa ku qanciyey inay furaan waddada isla markaana ay cabashadooda u gudbiyaan saraakiishooda.